Burcad badeeda Soomaalida ayaa gacanta ku dhigay dooni kaluumaysi oo laga leeyahay wadanka Spain xili ay maraysay badweynta India sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada bada EU-da ee xeebaha Soomaaliya u jooga la dagaalanka Burcad badeeda.
Doonida ay Burcad badeedu gacanta ku dhigeen ayaa lagu magacaabaa Sakoba,waxaana ay ku gooshaysay calanka wadanka Kenya,waxaana ay Burcad badeedu ka qabsadeen meel 400 mile bariga ka xigta caasimada Tanzania ee Dar Es salama.
Doonidan ayaa waxaa saarnaa shaqaale 16 gaaraya oo u kala dhashay wadamada members Kenya, Poland, Senegal, Cape Verde iyo Namibia,waxaana la sheegay in ay Burcad badeedu u adeegsanayaan weerarada Maraakiibta waaweyn ee gooshaya xeebaha Soomaaliya.
Doonida ayaa sida uu sheegay madaxa badmaaxiinta bariga Afrika Andrew Mwangura ay Burcad badeedu ula dhaqaaqeen dhanka xeebaha deegaanka Xaradheere ee Gobolka Mudug oo ah goob inta badan Burcad badeeda hoy u ah.
Awooda lacagta Madax furashada ah ee ay Burcad badeedu ka helayso gaadiidka ay qabsadaan ayaa keentay in ay Burcad badeeda awoodooda weerar gaarto meelo aad uga fog fog xeebaha Soomaaliya.
Qabsashada doonidan ayaa imaanaysa Xili ay Burcad badeedu maalmihii ugu dambaysay ay la kul mayeen qabqabasho iyo fashilinta weeraradooda Burcad badeednimo.
Xuseen Xuska
SBC International- Monitoring