Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Jubooyinka Sh Xuseen Cabdi Geedi ayaa mar uu la hadlayay Shacabka Gobolka uu shaaca ka qaaday in ay dagaal lagali doonaan Ciisdamo soomaali ah oo taabacsan Dowlada KMG ah ee Soomaaliya oo ku sugan Soodinta Soomaaliya iyo Kenya u dhaxeysa
Waxana uu hadalkiisan ku iclaamiyay Gudoomiyuhu dagaal jihad ah oo loo wada diyaar garoowo isagoo ugu baaqay shacabka Reer Jubooyinka in Maamulka uu doonayo in dagaalkaas laga wada qeyb qaato .
“Waxa muuqaneysa in Dagaalkan jihaadka ah uu noqondoono mid adag islamarkaana laga dareemi doono guud ahaan Soomaaliya” ayaa hadaladiisii ka mid ahaa Sheeqa
Maalmihii ugu dambeyay ayaa waxaa sii kordhayay dareenka iyo cabsiyaha laga qabo dagaalo ka qarxa soodinta Kenya iyo Soomaaliya gaar ahaan Gobolka J/hoose, iyadoo saraakiisha xarakada Alshabaab ee deegaanada ka agdhow xadka ku sugana ay soo dirayaan Baaqyo jihaad iyagoo qalabka saxaafada kala hadlaya shacabka Kismaayo iyo guud ahaan Gobolka.
Sida la hubo waxay imanayaan xiisadahan ka dib markii la shaaciyay in ay Ciidamo Dowlada KMG ahi leedahay oo soo tababarqaatay iyo ciidamo ay Dowlada Kenya Soodhoobtay Xadka ay ku soo wajahanyihiin Gobolka, taasina waa mida keentay baaqyadan jihaaad ee maamulka islaamiga ka arimiya kismaayo uu shacabka u jeedinayo.
Max’ed Salaad Cabdulle
SBC International- Kismaayo.