Jidgooyooyinka ay dhiganayaan Maleeshiyaad aan cidka ka amarqaadan ayaa ku soo badanaya inta u dhaxeysa magaalada Baladweyne iyo deegaano hoostaba Gobolka Bakool .
Waxaana maleeshiyaadkaasi ay jidgooyooyinkaasi lacago sharci daro ahi kaga qaadaan gaadiidka ku gooshaya halkaasi, waxana mar ay noo warameen qaar ka mid ah Gaadiidleyda ku safra wadaasi ay sheegeen in maleeshiyaadkaasi ay dhibweyn ku hayaan islamarkaana markii laga sootago lacago ay weydiiyaan kula dhaqaaqaan arimo foolxun.
Maleeshiyaadkan ayaa waxaa ay jidgooyadii ugu dambeysay soo dhigteen deegaan lagu magacaabo Quracjeele oo u dhaxeysa Magaalada Baladweyne Xarunta Gobolka Hiraan iyo Gobolka Bakool, waxaanay jidgooyadaasi lacago tiro dhaaftay kaga qaadaan gaadiidka safarka ah ee halkaasi ka shaqeeya .
Waxay jidgooyoyinkan soo badanaya ku soo aadayaan xili ciidamada Ururka Xisbul islaam ay wadaan howlgalo ka dhan ah Burcada Jidgooyooyinka u dhigta Gaadiidka Safarka a, inkastoo aanay jirin ilaa iyo haatan cid ay ku soo qabqabteen Howlgaladooda.
Waxanay Ciidamada Xisbuil islaam howlgaladooda ay u badan yihiin dhanka Bari ee Magaalda Baladweyne oo ay iyagu halkaasi gacanta ku hayaan, inkastoo Xarakada Shabaab Almujaahidiin oo gacanta ku heysa dhanka galbeedka Magaalada aanay ilaa iyo iminka talaabo hor u socod ah ay u qaadin arimahan.
Isku soo wada duub oo maleeshiyooyinkan sii badanayaa waxaa ay hor u kac u noqoneysaa dhibaatooyinka soogaaraya shacabka ku safra deegaanada halkaasi ku yaala .
Saalax Cumar Dhicis
SBC International Baladweyne