Jamacada Bariga afrika fareecadda Garowe waxaa maanta u fariistay 130 arday sanad Dugsiyeedka 2009-10 kuwaas oo ka koobnaa gabo iyo wiilal ayaa waxaa ay u fariisteen 3 maado oo kala ah Maamulka iyo Maraynta, Computerka iyo shareecada qanuunka,
waxaana uu si rasmi ah uga bilowday maanta iyadoo ay ardaydu kala galayaan imtaxaanka galab iyo subax isla markaasna uu soconayo labo todobaad,sida ay sheegeen maamulka Jaamacada Bariga Afrika Fareceeda Garowe.
Gudoomiye ku xigeenka Jamacabada Bariga afrika Laanta garowe Guuleed Salax oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in ardayda imtaxaanka u fariistay ay yihiin kuwii ugu horeeyay tan iyo markii Jamacada laga furay garowe, isla markaasna siw ayn ay looga soo taxadaray maadooyinka ay imtaxaanka ku galayaan, waxaana la adkeeyay goobta imtaxaanku ka socdo si aan loo qishin oo qof walba waxaa uu la yimaado natiijo u noqonaysa
qaar ka tiran ardayda Jamacada oo aan wax ka waydiinay sida ay u arkaan Imtaxaanka sanad dugisyeedka 2009-10 ayaa sheegay in ay si wayn ugu faraxsan yihiin oo ay isku hubaan aqoonta ay ka barteen Jamacaadda,
C/naasir Yaasiin Salaad
SBC International- Garoowe