Madaxweynaha dalka Koonfur Africa Jacob Zuma ayaa raali galin ka bixiyay aabe u noqoshada cunug uu si sharci daro ah uga dhalay haweenay uusan qabin.
Waxaan aad uga qoomamaynayaa arintan xanuunka ku keentay qoyskeyga Xisbiga ANC Isbahaysiga iyo guud ahaan dadka wadanka Koonfurt Africa ayuu Yiri Madaxweyne Zuma.
Gabadh uu dhalay masuulka ugu sareeya koobka Ciyaaraha kubadda Cagta ee aduunka ayaa sanadkii lasoo dhaafay umushay gabar yar oo la rumaysan yahay inuu si sharci daro ah uga dhalay Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma.
Mr Zuma oo 67 sano jir ah ayaa waxaa uu kasoo jeedaa qowmiyada Zulu-ga oo inta badan ragooda ay caan ku yihiin xaas badnida waxaana uu madaxweynuhu uu iminka si sharci ah ku qabaa sadex xaas iyo gabadhan uu dhalay madaxa koobka Aduunka oo aad moodo inuu suubis waxa Soomaalida ay u taqaan uu ka dhigtay.
Zuma waxaa haweenkan u dhaxa isaga ay u hayaan ugu yaraan 19 caruur ah.
Waxaan todobaadkii lasoo dhaafay wakhti badan u qaatay ka fiirsiga sidaan u wajihi lahaa arimahan la xiriira xiriirka saaxiibtinimo ee aan haweenaydan uga dhalay ilmaha meher la aan ayuu ku yiri warbixin uu soo saaray Mr Zuma taasoo uu ku qiranayo in mowduucan isaga ah uu bulshada dhexdeeda ku abuuray wadaxaajoodyo iyo doodo badan inay ka yeeshaan.
Madaxweynaha Koonfur Africa Jacob Zuma ayaa warbixintiisa waxaa kaloo uu ku xusay in arintan ay cadaadis uga timid dhinaca qoyskiisa iyo xisbigiisa ANC.
Horaantii todobaadkan ayaa madaxweynuhu waxaa uu cadeeyay inuu xiriir saaxiibtinimo la lahaa Sonono Khoza oo 39 jir ah islamarkaana ah gabadh uu dhalay Madaxa World Cup-ka Irvin Khoza.
Madaxweyne Zuma waxaa kaloo uu sheegay in arintani isagoo u arkayay arin shaqsi ahaaneed, uu gaashaanka u daruuray dacaayado uga yimid kooxaha u ololeeya ka hortaga HIV /AIDS-ka kuwaasoo sheegay in ficilada madaxweynuhu sameeyay ay majaxaabiyeen olololihii rasmiga ahaa ee wacyi galinta HIV/AIDS-ka.
Mr Zuma ayaa aad loogu riyaaqay hadalkiisa sanadkii lasoo dhaafay markii uu shaaca ka qaaday in is badalo waaweyn lagu sameeyay siyaasadii dalkiisa kula dagaalamayay cudur-ka AIDS-ka taasoo ay ku jirtay in aad loo badinayo qaybinta dawada lagula dagaalamo Virus-ka HIV-ga ee afka qalaad lagu yiraahdo anti-retroviral drugs.
Bulse iminka xisbiyada Mucaaradka ayaa waxaa ay sheegayaan in hab dhaqankiisu uu ka hor imaanayo mowqifka dowlada ee looga hortagayo Virus-ka HIV-ga iyadoo dadka lagu wacyi galiyo inay isticmaalaan cinjirka galmada ee loo yaqaan condom-ka.
Maahan markii ugu horaysay ee Madaxweyne Zuma lagu eedeeyo arimo la xiriira Galmo sanadkii 2006-dii ayay ahayd markii madaxweynaha sidan oo kale lagu eedeeyay inuu ku kacay arin kufsi ah isagoo qirtay inuu ku kacay arin khalad ah kadib markii si aan taxadar lahayn uu ugu galmooday haweenay uu garanayay inay qabto Virus-ka HIV/AIDS-ka.
Sida Ms Khosa haweenaydaasi ayaa sidoo kale waxaa ay ahayd gabadha qoys ay saaxiibo yihiin isaga.
Mr Zuma ayaa noloshiisa waxaa uu guursaday shan mar iyadoo guurkiisii ugu dambeeyay uu dhacay bishii January ee sanadkan waxaana sidoo kale hada u doonan gabadh kale.
C/risaaq Cismaan Bulqaas
SBC Inernational Monitoring Cairo.
Ccbulqaas@gmail.com