Home   |  News archive   |  Profile  |  Contact us
            
 
SBC Online Somalia & World News
Bandhiga SBC
Kororso Aqoontaada
Nolosha Saxaabada
Deegaanka
Caafimaadka
Nabada & Xuquuqda
Haweenka
Fanka & Suugaanta
Waxbarashada
Xulka Wararka 24
Cayaaraha
 Allpuntland.com
Allsanaag.com
Alljubbaland
Aminarts.com
Abaaqaroow.
Afnugaal
Aayaha.com
Abaaji.com
Agabso.com
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Idamaale.com
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net
Ramaas Software
Garowe Online
Radio Dalmar
SBC Online
Laasqoray.net
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Puntlandpost
Puntlandonline
Puntland Champer
Sscayn.com
Somalia Online
Somaali.com
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net
Widhwidh.com
Waayaha.NET
WardheerNews
Ufurow.com Boocame.com Allbari.com
 
Dhalinyaro Kenya lagu soo tababaray oo dhawaan askarta DFKG lagu biirin doono

Kumanaan Soomaali ah oo lagu tababaray gudaha dalka Kenya ayaa la sheegay inay iminka diyaar u yihiin inay ku biiraan dagaalka  Dowlada Soomaaliya  ay kaga soo horjeedo  kooxaha iyada ku kacsan ee dhawaantan sheegtay inay  taabacsan yihiin shabakada Al Qaacida, sida ilo ku dhow dhow dhinaca amaanka Kenya laga soo xigtay.

Waxaa aad usii kordhaya walaaca Beesha caalamka iyo dalalka dariska la ah dalka Somalia  ay ka qabaan khatarta sii siyaadaysa ee dhinaca isbalaarinta ah ee ay xarakada AlShabaab ay wadaan iyagoo iminkaba ka taliya deegaano  badan oo dalka kamida islamarkaana dagaal culus kula jira dowlada aan awooda sidaasi ah lahayn ee qaramada midoobay taageerada ka haysata.

Dalka Kenya ayaa laba jeer waxaa ay usoo joogtay weeraro gudaha dalkeeda laga geystay kuwaasoo lala xiriiriyay Al qaacida, iyadoo taasi jirto ayaa hadana dowlada Kenya aysan kala qayb qaadan Karin  howlgalka nabad ilaalinta midowga Africa ay ka wadaan dalka Somalia iyadoo ay ugu wacan tahay darisnimada ay la tahay Somalia, Balse dowlada Kenya ayaa balanqaaday inay samayn doonto wax walba oo ay uga hortagayso  in dalkeedu uu kusoo baaho fowdada ka jirta dalka ay ood wadaaga yihiin ee Somalia.

Xubin hore uga tirsanaan jiray Militariga dalka Kenya oo heshiis lagula galay inuu tababaro Soomaalida askari nimada isaga qortay  gobolka waqooyi bari Kenya ayaa sheegay in iminka loo baahan yahay 2,500 oo askari si loo dhamaystiro  buu yiri kormeerkoodii ugu dambeeyay inta aan dalka loo daad gurayn.

“Tababarku wuxuu ahaa mid lagu guulaystay, inkastoo qayb ka mida ragii isqoray ay xajin waayeen tababarka, waxaana ay naga tageen iyagoo koox dhisan ah” ayuu yiri Macalinkii tababarka bixinayay oo u waramayay wakaalada wararka ee Reuters.

“Waxaa loo tababaray xirfadaha dagaalka, sida hubka kala duwan loo rido, sida dhoolatusyada loo sameeyo, iyo sida loogu dulqaato dhibaatooyinka  marka dhul adag lagu dagaalamayo” ayuu  hadalkiisa sii raaciyay tababaruhu.

Wasiirka Difaaca ee dalka Kenya  Yusuf Xaaji ayaa mar uu booqanayay deegaanka Isiolo  bishii December ee sanadkii tagay waxaa uu halkaasi ka sheegay in dowlada Kenya ay tababar ku siinayso Soomaalida  deegaanada Samburu iyo xeebta labadaba.

Tababarkan ayaa waxaa uu ka soconayay meel 60km u jirta deegaanka Isiolo islamarkaana u dhow deegaanka Samburu oo caan ku ah duurjoogta  iyadoo halkaasi ay sidoo kale ciidamada Britishku u adeegsadaan marka ay samaynayaan dhoola tusyada.

C/risaaq Cismaan Bulqaas

SBC International Monitoring Cairo

ccbulqaas@gmail.com

 



Dhageyso wararka iyo Barnaamijyada ka baxaya Studio-ga SBC International Si toos ah.
Dhageyso
Dhageyso wararka SBC International maalin walba
Subax 8:00-am Duhur 1:00-pm, Habeen 7:00-pm

English News
 Latest News
Sep 09 Reysul wazaare shermarke oo afur usameeyay xilibaano kusugan Nairobi.
Sep 09 Diyaaradaha basaaska Maraykanka oo duqaymo ka gaystay Pakistan.
Sep 09 Dowlada Yemen oo xoojisay ciidamadeeda dagaalka kula jira Al qacidad wadankaasi.
Sep 09 Madaxweynaha Nijeria oo isku shaandhayn ku sameeyay Saraakiisha ciidamada
Sep 08 Guriga Gudoomiyaha Deg Guriceel oo Xalay lala eegtay Qaraxyo
Halkan ka dhageyso Taariikhda Warbaahinta SBC International
© Copyright  SBC International 2001-2010   All rights reserved        Powered by   Ramaas Software