Markab nooca dagaalka ah oo uu Ruushanku leeyahay ayaa gacanta ku dhigay dooni ay saaran yihiin todoba Burcad badeed Soomaali ah kuwaasoo ku guda jiray howlo afduub oo ay biyaha gacanka Cadmeed ay rabeen inay kaga qafaashaan Markab xamuul, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada badda Ruush-ka ee ku sugan biyaha Somalia maanta oo sabti ah.
Markabkan laga badbaadiyay afduubka burcad badeeda oo ay leedahay shirkada Ariella ee dalka Slovenia ayaa waxaa saaran 15 shaqaale Philippines ah, todoba Ukrainian ah, iyo sadex kale oo u kala dhashay dalalka Slovenia, Bulgaria iyo India. Waxaana ay kasoo shiraacdeen dekeda badda Madoow ku taala ee la yiraahdo Sevastopol iyagoo islamarkaana kusii jeeday dalka Indonesia.
Markabka dagaalka Ruush-ku leeyahay ee The Neustrashimy ayaa haatan waxaa uu Markabka xamuulka ah ee The Ariella uu usii galbinayaa dhinaca Bari kadib markii ilo ku dhow dhow ciidamada Mariinis-ka Ruush-ka ay shaaciyeen in Markabka Xamuulka ah ee the Ariella uu sii wadan doono safarkiisii uu ugu socday dalka Indonesia.
Sida Ruush-ku ka yeeli doono burcad badeedan ayaan wali kala cadayn waxaana dhici karta baa la leeyahay in todobadan burcad badeeda Soomaalida lagu maxkamadeeyo dalka Ruush-ka ama lagu wareejiyo dalalka kale sida dalka Slovenia oo laga leeyahay markabka laga badbaadiyay ee the Ariella, iyo xitaa waxaa dhici karta in lagu wareejiyo dalalka Somalia dariska la ah sida Kenya ama jasiirada Seychelles si loogu maxkamadeeyo.
Maraakiibta Ciidamada Badda ee Ruush-ka ayaa ka mida kuwa sida joogtada ah ugu sugan biyaha dalka geeskan Africa ku yaala ee Somalia waxaana ay qayb ka yihiin dhowr dal oo kale oo Maraakiib dagaal ay ka joogaan biyaha Somalia kuwaasoo dagaal kula jira burcad badeeda.
C/risaaq Cismaan Bulqaas
SBC International Monitoring Cairo
Ccbulqaas@gmail.com