Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Dowlada KMG ah ee Soomaaliya Sh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cade oo maanta kulan saxaafadeed ugu qabtay gudaha Muqdisho Saxaafada ayaa dusha u saariyay Masuuliyada Dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha Xoogaga Dowlada ka soo horjeeda .
Sh Indhacade ayaa sheegay in kooxaha dowlada ka soo horjeeda ay iyaga qarax ka sameeyeen gudaha Suuqa gaar ahaan goobaha ugu daran sida halka lagu iibiyo shidaalka taasina ay keentay in ay ku basbeelaan halkaasi hanti farabadan.
Waxana uu sheegay in ay ka xunnyihiin ka dowlad ahaan khasaarahaasi soo gaaray dadka Soomaaliyeed ee ku ganacsanaayay halkaasi .
Hadaladan kulul ee ka soo yeeray Wasiirudowlaha Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa ay ku soo aadeysaa xili ay kooxaha Dowlada ka soo horjeeda ay iyana ku eedeynayaan dhacdooyinkaasi Dowlada KMG ah iyo Ciidamada Nabad ilaalinta Amisom iyagoo weliba sheegay in ay dadkii uu khasaaruhu soo gaaray gar gaar u fidindoonaan.
C/raxmaan Lucky
SBC International- Muqdisho