Kooxo Soomaali ah iyo kuwo ka soo jeeda Dalka Eritrea ayaa waxaa uu dagaal ku dhexmaray Xadka Dalalka Sauudiga iyo Yemen.
Dagaalkan dhexmaray labadan kooxood ayaa waxaa uu yimid ka dib markii Kooxda Soomaalida ah oo ku socdaaleysay Dalkaasi ay guluf weerar ah ku soo qaadeen kooxahan Eriterianka ah oo iyagu halkaasi ka qawleysta.
Buuraleyda Loo yaqaan Jabalul Fifa ayaa ah goob ay fariisin ku leeyihiin kooxdaasi qaadacul dariiqda ah ee ka soo jeeda dalka Eritrea, iyagoo halkasi ku dhaca dadka safarka ah ee ku socdaalaya waxaana ay isku dheceen kooxdan Soomaalida ah .
Inta la hubo isku dhaca dhexmaray labada dhinac ayaa waxaa ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh waxaana ku geeriyooday 1qof oo sida la sheegay ka mid ahaa kooxdii iyagu qowleysatada ahaa, halka ay ku dhaawacmeyn tiro kale oo isugu jira labada dhinac.
Si kastaba ha ahatee saraakiil ka tirsan Ciidamada Wadooyinka ee dalka Sacuudiga oo saxaafada u waramay ayaa sheegay in kooxda weerarka ku qaaday Soomaalida socotada ahi ay ahaayeen kooxo dembiyo ka galay dalkaasi, kuwaas oo ay sheegeen in ay ka shaqeeyaan howlo gudbin waxyaabaha maanka dooriya ah.
Si kastaba ha ahaatee lama oga waxyaabaha ka dhalan doona isku dhaca labadan dhinac waxaase baqdin xoogan laga qabaa in ay colaad ka dhex abuurto Soomaalida xoogsatada ah ee halkaasi kudhaqan iyo Dadka Eritea-yanka ah ee halkaasi ku dhaqan.
Liibaan Cismaan Qaasim (Lucky man)
SBC International- Jiddah Sauudia